Berbera(Xogsoornews.com): Dr Axmed Muuse Ibraahin Xanaf,ayaa ka war bixiyay muhiimadda uu adeegga Cisbitaalka guud ee Berbera u leeyahay mishiin scan ah oo uu maanta kala wareegay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka oo cisbitaalka gaadhsiiyay mishiinkaas.
Dr Axmed ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay mishiinka scan ka ah ee maanta Xukuumaddu gaadhsiisay cisbitaalka guud ee berbera kaas oo bulshada gobolka Saaxil u tegi jireen Hargeysa caasimadda Somaliland.
Waxaanu intaa ku daray in maanta meesha ay ka baxday in mishiinka Scanka bulshada berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil ay meel kale safar ugu galaan.
Munaasibadda la kala wareegista mishiinka iyo madaxdi ka qayb gashay iyo weedhihii laga yidhi halkan ka daawo.











