Maro i leeg!!
Hilaadda xilli ku siman qarnigii lix iyo tobnaad {16}, ayaa nin degganaa miyigu, wuxu damcay inuu neef lo’diisa ka mid ah iib geeyo. Wax magaalo ah na waxa ugu dhawayd, magaaladdii xaddaaradii dhulka soomalidu degto ugu horreysay, ee Adari {Herar}. Ninkii reer miyiga ahaa, wuxu kaxeeyay Dibi, xaraash ahaa oo ku jiray lo’diisa. Ninkan reer miyiga ah waa markii ugu horreysay ee uu neef xoolo ah iib geeyo. Sidoo kale bahasha lacagta ah ma arag wuu maqlay se. Waxba ma warraysan intay xooluhu marayeen, oo ceebbay ahayd in xoolaha la iib geeyaaba, dadku way dhaqan jireen uun mase iibin jirin, inta badan. Waxayna ahayd xilligii iibka la soo barannayay. Dhulku waa barwaaqo, xooluhuna waa dharaarin {Duleed amma kambal} ka dhereg. Daaqa iyo naqu way baldhiidheen. Arooryada hore dharabka saaran dhirta magooshay ee midhaha iyo ubaxa la hoganaysa, ayaa indhuhu ku nuursanayaan, dubaaquna ku nasanayaa.
Ninkii jiidhii-waaberi ayuu hoosta usha kaga dhuftay dibigii. Wuxuna abbaaray oo uu afka saaray hilinkii tagayay magaaladda Herar{Adari}. Wuxu habeenno sii dhaxo ba, wuxu jarmaado, carraabo, guure iyo guclayn is daba galiyaba, wuxu ammin barqina galay magaaladdii Herar{Adari}. Magaaladda Adari waxay lahayd dayr ku weegaarsan, sidoo kale waxay lahayd toddoba irriddood. Waxayna ahayd sababta dayrka loogu wareejiyay daacuun ka dillaacay deegaammo ku xeeran, si qofka ka soo galaya iyo ka ka baxaya loo baadho, se ammintan uu ninkani dibiga geeyay daacuunkii ma jirin. Sidoo kale waxa xusid mudan in Adari lahayd toddoba sayladdood, siday toddoba irriddood u lahayd oo kale! Ninkii reer miyiga ahaa wuxu ka galiyay dibigii irriddii ugu soo horraysay, wuxuna geeyay sayladdii ugu soo sokaysay, waayo wuu la yaaban yahay magaaladda iyo dhismayaashan ka duwan aqal soomaligii, cariishyadii iyo gombisihii uu arki jiray. Wuxu is yidhi intaanad ku hallaabin, meeshan waallan, halkan u sokaysa ku iibi dibiga. Wuxuna eegtay xoolaha la sii galinayo, se muu garteen inay saylad tahay!
Ninkii dillaaliintii way ku soo yaaceen markiiba, waxayna waydiiyeen “immisa ayaan kuu siinnaa dibiga?” horuu u maqlay il-maroojiyayaal ayaa xoolaha dadka u iibiya, marka sayladda la geeyo, wuxuna ugu warceliyay “Maro i leeg oo cad oo jawharad la mooddo ii siiya dibiga adeer!” dhegtii dillaalku way maqli wayday oo way is diidsiisay wuxu yidhi ninkii reer miyiga ahi, wuxuna ku celiyay “Waar go’e immisa ayaan dibiga innoo siiyaa, waa xaraash oo waa dibiddii iib galaysay sannadkee?” Haddana ninkii dibiga lahaa wuxu ku warceliyay “Waar Maro i leeg ii soo sii?” Ninkii dillaalka ahaa wuu yaabay, haddana wuxu is yidhi ninka ma waxbaa u dhiman tolow? Mise dibigaanu lahayn waa maxay “Maro i leeg” iga siista dibigan dhan!! Wuxu u yeedhay niman saaxiibbadiiya, wuxuna ku yidhi “bal ninkan ilmadeerayaal af garta idinku!!” Nimankii baa ninkii ku yidhi “immisaan dibiga kuu siinnaa?” wuxu ninkii odayga ahaa ku warceliyay “Adeerayaal dibiga miyaad ila leedihiin, sow maya maaha, haddaba dibiga Maro i leeg iga siista” Ninkii inta la kaxeeyay, oo meel maryaha lagu jeex jeexo la geeyay, oo ah halka go’yaasha lagu iibiyo ee magaaladda Herar, ayaa lagu dhereriyay {Maro cad oo leeg, waliba si dhinic dhinac ah} markaasaa lagu yidhi “Waar ma arkaysaa inay mariddii ku leeg tahay” wuxu yidhi “Haa, way i leeg tahay” Waxa loo raaciyay “Haddaba, qaado oo laalaabo” Ninkii maraddii caddayd ee kafanka la mooday intuu soo duuduubtay oo uu gosha soo gashaday, ayuu u soo jarmaaday xaggii reerkiisa. Markuu yimid reerkii ayaa, nimankii saaxiibbadii ahaa habeenkii markay ahayd caweyskii u warraysi yimaadeen, “Waar hebel Eebbe ma ku nabad keenay, oo Adari iyo dhulkaad sii martayna ka warran, sidee lagu ahaa, oo dhulku ceel iyo cashrin {Biyo iyo baad} ma lahaa?” markaasuu isna ku warceliyay gole la buuxo, oo odayadii reerku isugu yimaadeen “Haa, waa lagu nabadqabay, belo iyo biyo la’aanna lama sheegayn, Neefkiina waxan soo siiyay Maro i leeg, oo waata aan halkaa dhigay waan soo yar daalloo………………” Markuu halkaa marinayo ayaa mid inadeerkii ahi ka dhex galay “Waar wax xilli ku fuulye maxaad tidhi, bal ku celi?” “Dibigii xaraashka ahaa, ee aan qodaalka ka daayay gu’ga maanta ah, waxan ku soo gaday maro dhan oo i leeg” Afka inta la qabsaday ayuun baa golihii lagu kala dareeray. Ninkii ilmo adeerkii ahaanna waxa ka soo hadhay “Hubeec yahaw waad ceebaysay reerka iyo beeshaba, alle ku dil, waar wuxu muxuu ku hadlay, wax xille ku dhac” Ninkii wuxu wacad ku maray innuu ceebta uu ninkaasi soo hooyay wax masaxa uu samayn doonno. Warkiisiina oogo, guban iyo banba waa la isla dhex maray “Maro i leeg“.
W/q. Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf” Amminta 6/6/2014/Hakis bila.
Email. Cagaf143@hotmail.com
Hargeysa. Somaliland.












