Afrika:Qaarad Horseedka Laga Dilo’ Thomas Sankara Halyey Dadkiisa Loo Quudhi Waayey

0
1091

Qaarad Horseedka Laga Dilo ‘Thomas  Sankara Halyey Dadkiisa Loo Quudhi Waayey

Kadib markii uu wadankiisa ka bedalay magacii una bixiyey Burkina Faso, waxa aad hoos kaga bogan kartaa guulihii waaweynaa ee uu gaadhay madaxweyne Thomas Sankara, oo wadankaas maamulayey afar sanno oo kaliya (1983-kii ilaa 1987-kii)

21-kii December 1949-kii ilaa 15-kii October 1987-kii waxa uu ahaa kabtan mulatari, asal raac ku dhegan mabda’a hantiwadaaga, mufakir ku riyooda midnimada afrika, intaa kadibna madaxweynaha Burkina Faso. Taageerayaashiisu waxa ay u arki jireen in uu yahay hogaamiyihii burjiga lahaa, ee ahaa laf dhabarta kacdoonka.

 

1) Usbuucyo kooban gudahood, caruur tiradoodu ay gaadhayso 2.5 milyan, waxa uu ka talaalay xanuunada kala ah qoor gooye, xumada huruudiga ah iyo jadeeco.

 

2) Waxa uu bilaabay ololihii heer qaran ee sare u qaadista aqoonta, oo ka bilaabmayey 13% 1983-kii lana rabay in la gaadhsiiyo 73% marka la gaadho 1987-ka.

3) Waxa uu beeray 10 milyan oo geed si looga hortago xaalufinta deegaanka

4) Si uu wadanka oo dhan isugu xidho waxa uu dhisay wadooyin laamiyo ah iyo jid uu tareenku maro, isaga oo aan kaalmo uga baahan wadamo shisheeye

 

5) Waxa uu wada iibiyey dhamaan baabuurtii marshandiska ahayd ee madaxda sare ee dawladu ay wadan jirtay, waxana uu doortay in baabuurtii Renault 5 (oo xiligaas ahaa baabuurta ugu qiimaha jaban wadanka Burkina Faso) in ay noqdaan baabuurta khaaska ah ee wasiiradu ay ku shaqo tagaan.

 

6) Waxa uu dhimay dhamaanba mushaharadii shaqaalaha dawlada, naftiisa ayaanu ka bilaabay; wasiiradiisana iyo madaxda dawladiisana waxa uu ka mamnuucay dareewaliin baabuurta u wada, sidoo kale diyaaradaha wadankiisa ka duulaya waxa uu mamnuucay waxa loo yaqaano tigidhada dabaqada 1aad (1st class airline tickets).
7) Dhamaan dhulaalkii dhulgoosatadu haysatay oo dhan waxa uu ku wareejiyey dadkii beeralayda iyo xoolo dhaqatada isugu jiray ee danyarta ahaa. wax soo saarka qamadigu saddex sanno gudahood sarre ayuu u kacay; halkii markii hore halka hiktar laga soo saarayey 1700 oo KG, markii wax la baray lana dhiirigaliyey dadkii beeralayda ahaa waxa la gaadhsiiyey in halkii hiktar laga soo saaro 3800 KG, taasina wadanka waxa ay ka saaciday in uu gaadho isku filnaansho dhanka cunada ah.

 

8) Waxa uu diiday in uu qaato kaalmadii shisheeyaha; waxana uu yidhi, “cida ku quudisa ayaa kuu talisa”

Shaqaalihii dawlada waxa uu ku sanduleeyey in hal bil oo mushaharkooda ah ay ugu deeqaan hal mashruuc oo horumarineed.
9) Waxa uu diiday xafiiskiisa in uu qaboojiye ku xidho, maxaa yeelay waxa uu diidayey in uu raaxo dareemo dadkii raciyada u ahaa oo daranyo dareemaya.

 

10) Ka madaxweyne ahaan, mushaharkiisii waxa uu ka dhigtay $450 doolar  bishii; lahaanshiyihiisii hantiyeedna waxa uu ku soo ururiyey hal gaadhi, afar baaskiiladood, hal giitaar ah, hal cunto kulaylliso iyo hal talaajad ah oo yara baaliyowday.
11) Dhamaan shaqaalaha dawlada waxa uu ku waajibiyey in ay xidhaan dharka maxaliga ah ee dalka gudihiisa lagu sameeyo, si looga maarmo shisheeyaha.
12) Marka la waydiiyo sababta uu u diiday in sawirkiisa la sudho goobaha dadweynaha iyo xafiisyada dawlada, sida dhaqanka u ahayd hogaamiyaal kale oo afrikaan ah, waxa uu ku jawaabi jiray, “Waxa jira todoba Milyan oo wada Thomas Sankara oo kale ah”.
13) Isaga ayaa curiyey heesta qaranka waayo waxa uu ahaa hal-abuur xikmadyahan ah.

 

Afar sanno oo qudha markii uu xukunka hayey; dalkiisiina uu gaadhsiiyey halkii uu ku waday uuna guuleystay, geesigii ciil tiraha ahaa iyo curadkii cidhiidhiga kala diray, cadawgii reer galbeed ee uu ka guuleystay ayaa shirqool u soo maleegay waana la dilay. Iskamuu dhiman ee raad muuqda oo ku dayasho mudan ayuu ka tegay. Wakhtiga uu dhintay waa 1987, waa shalay sidaas uma sii foga.

“Be ashamed to die until you have won some victory for humanity”

“Waarimaysid ee war ha kaa hadho”

Reer galbeedku waxa ay dacaayad uga dhigeen halku dhigan hoos ku qoran:

“A SOLDIER WITHOUT ANY POLITICAL OR IDEOLOGICAL TRAINING IS A POTENTIAL CRIMINAL”

“ASKARI AAN LAHAYN TOBABAR SIYAASADEED IYO MID AYDIYOOLAJIYADEED WAA DAMBIILE QARSOON”

 Waar dadoow! Dadoow! miyeynu ka yeelnaa??????

Maxamed Cabdikariim Axmed (shiil)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here