Codkaaga ku dooro oo Garyaqaan Aqoon u Leh Curinta Shuruucda Dalkaagu u Baahan Yahay

0
1127

Ummadi waxay horumar gaadhaa marka cidkasta loo diro shaqaday ay taqaano ee ay guul ka keeni karto,haddana waxaa dalka sannadka soo socda qorshaysan in ay ka qabsoonto doorashada golaha wakiiladda Somaliland iyodoorashada dawladaha hoose.

Doorashada golaha wakiiladda ayaynu u baahannahay in ay inoogu soo baxaan xildhibaano aqoon u leh shuruucda uu dalkeenu u baahan yahay oo bartay kana soo aflaxay kulliyadaha sharciga iyo qaanuunka isla markaana aqoon diimeed oo durugsanna leh si uu u curin karo xeerar umad islaam ahi ay ku dhaqanto.

Haddaba waxaa gobolka Maroodijeex ka sharraxan oo u taagan in ay doorashada ka qayb gasho Garyaqaan Nafisa Maxamuud Shirwac,Nafisa iyo inta lamidka ah ee baratay isla markaana aqoonta u leh sharciyada iyo qaanuunku waa cidda ka dhabayn karta ujeedada loo aasaasay golaha wakiiladda haddaba aqoon shareeco iyo mid qaanuun ,daacadnimo iyo shaqo wanaag ku dooro Nafisa Maxamuud Shirwac.

waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikh kooban oo ka hadlaysa Garyaqaan Nafisa.

 

Nafiisa Maxamuud Shirwac waxay ku dhalatay Hargeisa waxna ku baratay,Waxay wax ka bartay jaamacada hargeisa gaar  ahaan kulliyada sharciga

Nafiisa waxay la shaqaysay qaar ka mida wasaaradaha dawlada sida wasaarada caddaalada iyo wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada waxay la shaqaysay hay,ado caalamiya iyo kuwo maxaliyaba

Waxay ku shaqaysay la taliye sharci iyada oo curisay shuruuc lagaga takhalusayo caadooyinka waxyeelada u leh dumarkeena, waxay ku shaqaysay macalinnimo jaamacada hargeisa gaar ahaan kulliyada sharciga, waxay ku shaqaysay  human right activist iyada oo kormeer ku Samayn jirtay xabsiyada dalka oo dhan saldhigyada police ka dalka maxkamadaha dalka dadka Naafada ah caruurta haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay. Iyada oo u kuur gelaysa xaaladda ay ku suganyihiin dhaman dadkaasi.

Waxay ku shaqaysay tababare iyada tababari jirtay qaar ka mida ardayda dugsiyada sare ardayda jaamacadaha police ka macalimiin qaybo ka mida bahda saxaafada.

Waxay ka shaqaysay arrimaha bulshada oo ay aad xogogaal ugu tahay.

Waqti xaadirkana waxay ka shaqaysa barnaamij ka kobcinta danyarta dhinacyada dhaqaalaha arrimaha bulshada iyo siyaasada ee afka qalaad lagu yidhaahdo self help group approach kaas oo ay waday 4 tii Sanno ee u danbeeyay waxanay la shaqaysaa hay’ada candlelight.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here