Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey “Meesha la isku Hayaa waa Saylac Sabab Boorama u Gubato Garan ...

“Meesha la isku Hayaa waa Saylac Sabab Boorama u Gubato Garan Maayo.” Suldaan Cadde Gude

0
296

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Muuse Biixi Cabdi,ayaa  baaq nabadeed u diray bulshada gobolka Awdal  isla markaana Xukuumadda ugu baaqay in ay dhankeeda doorkeeda banadgelyada qaadato.

dhinaca kale guddoomiyaha gudida nabada Somaliland Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa dhankiisa tacsi u diray inta ku dhimatay shaqaaqa ka dhacday Boorama.

waxaa kale oo arrintaa ka hadlay madaxdhaqameed ergo ahayd oo Boorama maanta gaadhay oo uu hoggaaminayya Suldaan Cadde Gude oo sheegay in arrinta dhulka la dhigo oo nabad laga shaqeeyo.

geesta  kale madaxdhaqameed ka Awdal ayaa sheegay in ay la qaateen ergada u timi qodobadii ay ula yimaadeen sla maekaana ku dhawaaqay  nabad iyo in dhallinyaradu is xakameeyaan oo xaaladda dejiyaan.