Friday, July 10, 2026
Home Uncategorized Iiran oo Xaqiijisay Geerida geerida hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei.

Iiran oo Xaqiijisay Geerida geerida hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei.

0
239

Tahran(Xogsoornews.com) Telefishanka dalka Iiraan ayaa si rasmi ah saaka waabarigii ugu dhawaaqay in uu geeriyooday isla markaana uu duqayntii shalay ku dhintay Hoggaamiyihii sare ee Kacaank Jamhuuriyadda Iiraan Cali Khumaynu.

warka geerida hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan,ayaa markii hore waxaa shalay ku dhawaaqay Raysal-wasaaraha Israa’iil halka xalayna uu sheegay  Madaxweynaha Maraykanku in Higgaamiyihii IIraan lagu dilay weerarka  ay wada jirka ugu qaadeen dalkaas Maraykanka iyo Israa,iil.

dhinaca kale dawladda iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyahooda kuna dhawaaqday 40 cisho oo baroor diiq ah.

haddaba maxay dalka Iiraan uga dhigan tahay geerida hoggaamiye Khumayi sideese loo soo dooranayaa bedelkeesa  ama muxuu ka qabaa dasrtuurka dalkaasi bedelka iyo soo buuxinta jagada hoggaamiyaha Iiraan

 

,

Telefishinka Qaranka Iiran ayaa si ramsi ah u xaqjiiyey geerida hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei.

Qodobka 111 ee Dastuurka Iiraan ee hadda jira wuxuu dhigayaa in haddii uu geeriyoodo, is casilo, ama xilka laga qaado Hoggaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Golaha Wadatashiga oo ka kooban Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxa Garsoorka, iyo mid ka mid ah sharci-yaqaannada Golaha Ilaalada – oo ay doortaan Golaha (Expediency Discernment Council) uu si ku meel gaar ah u qaadan doono dhammaan mas’uuliyadaha hoggaanka.

Qodobkani wuxuu tilmaamayaa in haddii mid ka mid ah saddexda qof ee kor ku xusan uusan awoodin inuu guto waajibaadkiisa muddadan, sabab kasta ha ahaatee, qof kale ayaa loo magacaabi doonaa booskiisa, iyadoo go’aan ay qaataan Golaha EDC “aqlabiyadda sharci-yaqaannada ku jira”, sida ku cad qoraalka qodobka.