Hargeysa(Xogsoornews.com): Guud ahaan goobaha lagu kulmo caasimadda Hargeysa iyo baraha bulshada waxaa maalmihii u dambeeyay lagu falanqaynayay cidda caasimadda maayer ka noqonaysa marka uu xilka maayernimo ka dego Maayerka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo la filayo in uu ka dego xilka duqa caasimadda badhtamaha bisha dambe.
Inkasts oo rag dhawr ahi ay u hanqaltaagayeen xilka duqa caasimadda in ay noqdaan hadana waa wax ku xidhan xildhibaanadaa golaha deegaanku qofka ay u cumaamadaan.
Laakii ragga xilka duqa caasimadda doonaya waxaa xil maayernimo iyo ka shaqayn magaalo marka laga hadlayo ugu habboon isla markaana caasimadda Hargeysa ay u baahan tahay in uu hoggaamiyo golaha deegaanka caasimadda Hargeysa isla markaana ka sii amba qaada halka Maayer Cabdikariin soo Gaadhsiiyay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Wiiwaa oo ah Eng aqoon.durugsan iyo waaya aragnimo.ba u leh habaynta qorshaynta iyo horumarinta magaalooyinka.
Si.Hargeysa u hesho maayer hanan kara waxaa la gudboon golaha deegaanka.caasimadda Hargeysa in ay u codeeyaan Xildhibaan Wiiwaa oo ay guusha horumarka caasimadda Hargeysa ka taliyaan,taas oo iyagana u ah guul ay la wadaagaan maadaama ay yihiin golihii deehaanka.caasimadda Hargeysa.
Markasts oo ay xulashada Maayerka ay keenaan uu ku tallaabsado guul horumarineed oo caasimadda ah waxay ka mid tahay waxqabadkoosa sods markasta oo Maayer lagu hungoobo ay keenaan na ay la leeyihiin dhaliisha iyo shaqo xumaanta.
Haddaba waxaa la gudboon golaha deegaanka caasimadda Hargeysa in ay xilka duqa caasimadda u cumaamadaan Xildhibaan.Eng Cabdirisaaq Wiiwaa oo aqoontiisa ay u ooman tahay caasimadda Hargeysa











