Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Soo Dhawaynta Caddaani Astaan Muujinaysa Shaqsiyaddiisa Qaran

Soo Dhawaynta Caddaani Astaan Muujinaysa Shaqsiyaddiisa Qaran

0
173

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Maanta waxaa dalka dib ugu soo laabtay oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda Hargeysa Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani) oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka xisbiga talada haya ee Waddani .

Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid caddaani,ayaa sidoo kale dalka ka soo qabtay xillal wasiirnimo oo kala duwan oo uu kasoo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo uu ka soo qabtay xilalka wasiirudawlaha maaliyadda.wasiirka duulista iyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta.

Soo dhawaynta wasiir caddaani ee maanta ayaa ahayd mid si wayn ay xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Waddani si miisaanaleh usoo dhaweeyeen waxaa kale oo si aan hadh lahayn usoo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Hargeysa.

Waxaana soo dhawaynta md Caddaani ka qayb qaatay madax dhaqameed culimo waxgarad iyo guud ahaan haldoorka bulshada caasimadda rag iyo haweenba waxaa si gaar ah uga dhex muuqday soo dhawaynta fannaaniin saxafiyiin si gaar ah uu siyaasi Caddaani ugu suntan yahay halyaynimadiisa qaran.

Marar badan ayay soo degaan oo ay dalka ku.soo noqdaan masuuliyiin xilal ka soo qabtay wasiirnimo isla markaana lama dareemo soo noqoshadooda laminate soo dhaweeyo haddii la maqlona masuulka yimi oo iskii warbaahinta uga hadla ayaa lagu ogada dalkakusoo noqoshadiisa,balse soo noqoshada Siyaasi Caddaani iyo soo dhawaynta xukuumad Xisbi iyo bulshada caasimadduba aanay u kala hadhin isla markaana ay ka qayb qaateen soo dhawayntiisa xataa dad uga yimi gobolada kale ee dalka ayaa muujinaysa meeqaamka uu dadkiisa iyo dalkiisa ka joogo iyo astaanta shaqsiyadiisa qaran ee dalkan usoo shaqaysay ee aan ka shaqaysan oo looga markhaati ahaa taas oo sabab ka dhigtay in ay ka duwanaato dalka kusoo noqoshadiisu qof iska yimi.

Waana wasiirkii u  horeeyay oo markii uu xilka ka degay waxqabadkiisii dal jacaylkisi iyo daacadnimo.ugu adeegistii qarankiisa heeso ka curteen sumad looga dhigay shaqsimmadda Caddaani