Ceerigaabo(Xogsoornews.com):- Bandhig faneed lagu waynaynayo soo dhawaynta maalintaa qaran ee Somaliland ee 18 may,ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Sanaag gaar ahaan beer table Daallo ee magaalada Ceerigaabo.munaasibadda bandhig faneedka oo uu si wayn uga dhex muuqday fannaanka Maxamed Bk,ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay maamulka gobolka Sanaag ka degmada Burco iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud. Raage,ayaa qudbad ka jeediyay munaasibadda isla markaana ka hadlay qarannimada Somaliland iyo in dalka Somaliland yahay dal madax banaan oo la aqoonsaday.waxaa kale oo uu bulshada usoo jeediyay in ay midnimada qarankooda illaashadaan halka uu ka hadlay nabad gelyada Ceerigaabo oo uu caddeeyay in ay tahay nabad gelyo taam ah.haddaba halkan ka daawo











