Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo shacabka ku hambalyeeyay maalinta qaran ee 18...

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo shacabka ku hambalyeeyay maalinta qaran ee 18 May

0
117

Hargeysa(Xogsoornews.com):-Guddoomiyaha golaha wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland Prof Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa shacabbka Somaliland ku bogaadiyay munaasibadda maalinta qaran ee 18 May.

Waxaanu bulshada ku booriyay in ay illaashadaan qarannimadooda isla markaana meel uga soo wada jeedaan ka hor tagga wax kasta oo dhib ku ah dalka iyo dadka.waxaanu intaa raaciyay in qaranka Somaliland yahay dal jira oo aqoonsi caalami ah helay oo dawladaha caalamka ka mid ah isla markaana inta ka dhego adaygaysay aqoonsiga Somaliland na aay hadda tartan usoo kala dheerayn ah ay ku jiraan iyo sidii ay cilaaqaad ula yeelan lahaayen jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn waxaa uu bulshada Somaliland u rejeeyay in sanadkan sannadkiisa guul iyo barwaaqo RABBI ku gaadhsiiyo.