Hargeysa(Xogsoornews.com)-Maayerkii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge,ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu Wareejiyay Maayerka Cusub ee Caasimadda .xaflad si wayn loosoo agaasimay oo maanta lagu qabtay tiyaatarka taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland oo xafladda lagu qabtay ayuu maayerka hore hadal u badnaa dardaaran iyo duco ka jeediyay.
Waxaanu ka codsaday cid kasta oo intii uu xilka hayay wax ka tirsatay in ay saamaxdo.
Waxaa kale oo uu xusay culaysyada ay la kulmaan shaqaalaha xafiiska Maayerka xoghayntiisa gaarka ah oo uu tilmaamay in Culayska ay u dulqaataan in uu yahay mid aan la soo koobi karin sidoo kale waxaa uu sheegay in aflegaado maagod iyo gafaf badan ay soo gaadhaan askarta maayerka ilaalada u ah oo marka ay ugu yartahay inta lasoo waco la odhanayo noo sheeg hadda halku joga ama maxaad nooga qarinyasa.waxaanu aad ugu dheeraaday dadka ay soo wada shaqeeyeen u mahad naqooda.
Haddaba halkan ka daawo qudbada xil wareejinta uu ka jeediyay maayerkii hore Cabdikariin Axmed Mooge.











