Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey “Xisbiga WADDANI Ismuu Waydiin Dalka iyo Dadka sidaynu wax ugu Qabanaa,laakiin wuxuu...

“Xisbiga WADDANI Ismuu Waydiin Dalka iyo Dadka sidaynu wax ugu Qabanaa,laakiin wuxuu iswaydiiyay…..” Cumar-sayid

0
49

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Maareeyihii hore ee hay,adda duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid)ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay ama lagaadhay wakhtigii la dhisi lagaa xisbiyada mucaaridka isla markaana la horumarin lahaa korna loo qaadi lahaaa tayadooda looguna diyaarin lahaa siday u noqon lahaayeen hoggaanka dalka kuwa ku guulaysta oo dooshada ku soo baxa.

Waxaanu intaa ku daray in isbedel horumarineed iyo higsi himilo qaran oo lagu sameeyo Xisbiyada mucaaridku in ay kaw ka noqonayso in hoggaan iyo xisbi hoggaamin qaran u dhisani in ay ka soo baxayaan.

Waxaanu sidaa ka sheegay munaasibad ballaadhan oo xisbiga mucaaridka ah ee kaah u qabtay masuuliyiin Cumar-sayid hoggaaminayay oo ku biiray Xisbiga kaah kana soo diga rogtay Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye.waxaanu intaa raaciyay maareeye Cumar-sayid in ku biiristooda xisbiga kaah in ay ku doorteen in isku Kulmiye ahaayeen, hoggaanka xisbiga iyo aasaaseyaasha xisbiga kaah.

Hadalka Cumar-sayid oo muuqaaal.ah halkan ka daawo.