Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Guddoomiye Xirsi oo laba waddo kala dooran siiyay Guddoomiyaha Kaah

Guddoomiye Xirsi oo laba waddo kala dooran siiyay Guddoomiyaha Kaah

0
41

Hargeysa(Xogsoornews.com):Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal uu maanta jeediyay guddoomiyaha Xisbiga Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiyaha kaah,ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan ay si cad u diidan yihiin xafiis Somaliland ka furato Qudus.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa sheegay in Somaliland aanay xafiis ku lahayn Qudus balse ay ku leeyihiin Safaarad Rasmi ah oo ah saffaaradii ugu horraysay ee rasmi ah ee Somaliland caalamka ku yeelato.

Guddoomiye Xirsi,ayaa sidoo kale sheegay in dhulka Barakaysan ee muqadasaadka ah sida culimadu sheegtay in ay tahay Ardu Shaam in qudus iyo Talaabiib ba ay ka mid yihiin,ardu shaam.waxaanu caddeeyay in Masjid Al-aqsa uu yahay muqadasaadka mudan ee islaamka. Guddoomiye Xirsi,ayaa laba qodob kala doorransiiyay guddoomiyaha Xisbiga Kaah.haddaba jawaabta guddoomiyaha xisbiga Waddani oo muuqaal ah halkan ka daawo.