Hargeysa(Xogsoornews.com):-Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee Kaah,ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay baal martay sharciyadda dalka isla markaana ay maanta qaadday tallaabo aan loo baahnayn oo ay u diiday gudaha madaarka in ay galaan hoggaanka xisbiga kaah oo soo dhawaynayay guddoomiyaha xisbiga Maxamuud Xaashi oo maanta dalka kusoo noqday ka dib safar uu dibedda ugu maqnaa.
Cumarsayid,ayaa sheegay in aanay taagereyaal wadan balse ay ahaayeen hoggaankio xisbiga oo doonayay In ay soo dhaweyan gudoomiyaha,balse tallaabo sharci darro ah ay la kulmeen oo ciidan tiro badan oo boolis ah lasoo dul dhigay madaarka.
Waxaanu intaa raaciyay haddii xukuumaddu sharciga dalka ixtiraami waydo in ay madaarka ku iman doonaan 10 kun oo taageereyaal ah
Haddaba halkan ka daawo farriinta adag ee Cumarsayid u diray Xumuumadda











