Friday, October 23, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Xildhibaan Meecaad:Masuul Hantidiida u Huray Horumarka Deegaankiisa

Xildhibaan Meecaad:Masuul Hantidiida u Huray Horumarka Deegaankiisa

0
164

Cir Shiida(Xogsoornews.com):-Deegaanka cirshiida oo ah deegaan hodan  ku ah dahabka ayaa muddo badan go,doon ka ahayd gobolka Sanaag,laakiin waxaa go,doonkii ka saaray oo waddo  iyo isguul iyo xarun caafimaad ba ka hir geliyay Xildhibaan Cabdikariin Meecaad oo noqday xildhibaanka keliya ee deegaankii laga soo doortay hantidiisa u huray.

Deegaanka cirshiida oo maanta ah deegaan aan go,doon ahayn isla markaana leh waddo isguul iyo xarun caafinaad ayaa noqotay magaalo koritaankeedu horumar samaynayo oo durba xoog loo degayi ka dib markii uu Xildhibaan Cabdikariin Meecaad hantidiisa u huray kana hir geliyay adeegyo badan oo siuragelinaya in deegaanka lagu negaado oo magaaladu ballaadhato isla markaana wax soosaarla dahabka oo ah khayraad deegaanku leeyahay lagala soo boxo.

Haddaba xildhibaan Meecaad oo ku dhiiraday in deegaankiisa uu hantidiisa u huro ayay bulshada deegaankuna ku majeerteen waxqabadkiisa isla markaana diyaar u yihiin mar kale in ay codkooda isku garab taagaan oo ay u codeeyaan.

Waxaanay bulshada deegaanka Cirshiida caddeeyeen in Xildhibaan Meecaad yahay masuul abaal ku leh deegaanka oo u hagar baxay isla markaana mashaariiic aanay dawlad iyo hay,addo ama ganacsato ka hirgelin uu deegaanka ka qabtay yahayna masuul ay u ogyihiin waxqabadkiisa isla markaana  doorashada dambena ay codkooda ku garab taagan yihiin.