Muqdisho (CodkaHargeysa)- Cadaadisyo kaga imanaya dhinaca baarlamanka, ayaa ku sii kordhaya Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo isla maanta ba la diyaariyey mooshin xilka laga xayuubinayo oo ay saxeexeen in ku dhaw 133 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa ilaa shalay shirar gooni-gooni ah ku lahaa Huteello ku yaalla Muqdisho, waxaana ay lafo-gur ku hayeen waxyaabihii ay madaxweynaha Is-casilaadiisa u cuskanayaan.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in go’aankan ay la qabaan guddoomiyaha baarlamaanka Pro Maxamed Cismaan Jawaari iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo sida ay xildhibaannadu sheegeen isaguna qaba aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh Xilka lagaga qaadayo.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo madal lagu gorfaynayey qodobbada uu ku guul-darraysay madaxweynuhu, ayaa akhriyay go’aanka ka soo baxay 133-da xildhibaan, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ku ku guul darraystay waxyaabihii uu ballan qaaday markii la doortay oo uu sheegay inuu ballan-qaaday inay ahayd in dawladiisa ay ku shaqeyn doonto lix tiir oo uu ugu horreeyo ammaanka, balse uu dhammaan arrimihii uu ballan qaaday uu ku guuldarraystay.
Waxa uu Xildhibaankani sheegay in dilalka iyo qaraxyadu ay noqdeen kuwa joogto ah oo xataa markii Shabaab ay haysteen magaalada Muqdisho aanay dhicin qaraxyada la maleegay inta uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo ayaamihii ugu dambeeyey qaraxyo lagu laayey Xubno ay ka mid ahaayeen Xildhibaano Baarlamaanka.
Waxa uu Xildhibaankani uu sheegay madaxweynaha uu ku tuntay dastuurka dalka u yaalla, isla markaana uu si cad u diiday in la sameeyo maxkamadda dastuuri ah oo dalkaasi yeesho.
Waxyaabaha kale ee Madaxweynaha Soomaaliya lagu haysto ayaa ka mid ah in gagaalada Beelaha ku Nool Soomaaliya ay soo noqnoqdeen, isla-markaana aanay wali si rasmi ah dawladdiisa uga Hawlgelin goobo laga saaray kooxaha Al-shabaab oo ay dib ugu soo noqdeen.
Xildhibaannada ku shiray Muqdisho ayaa sheegay haddii aanu madaxweynuhu qaadan tallooyinka iyo go’aanka ay soo saarayaan in baarlamaanku ay si toos ah mooshin uga keeni doonaan.
Kulankan lagu gorfaynayey Iscasilaadda Madaxweynaha waxaa Goob-joog ka ahaa siyaasiyiin caan ah waxaana ka mid ah Cabdi Samad Macallin Faarax oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha dowladii Shariif Sheekh Axmed.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA













